Mid ka mid ah xiddigaha Kooxda Chelsea oo tagaya London, kuna sii jeeda dalka Spain… (Waa kee xiddigaasi?)

(London) 02 Agoosto 2021. Sida wararku ay sheegayaan mid ka mid ah xiddigaha Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa lagu wadaa inuu ka dhaqaaqo naadiga reer England, waxaana wararku ay sheegayaan inuu ku sii jeedo dalka Spain.

Goolhayaha kooxda kubadda cagta Chelsea ee Willy Caballero ayaa la soo warinayaa inuu isaga tagayo naadiga ka dhisan Magaalada London, isla markaana uu u dhaqaaqi doono dalka Spain si uu uga mid noqdo Kooxda Malaga.

Jariiradda Marca ee ka soo baxda Spain ayaa warinaysa in shabaq ilaaliyahan uu  jiro qodob qandaraaskiisa ku jira oo u ogolaanaya inuu ku laabto horyaalka La Liga.

John Terry sends message as Willy Caballero bids farewell to Chelsea

Waxaana si horudhac ah haatan loo sii ogaanayaan in goolhaye Willy Caballero uu ku biiri doono Kooxda Malaga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close