Wargeyska ESPN oo sheegay saddex ciyaaryahan oo uu saxiixooda doonayo Macallin OGS si ay baddel ugu noqdaan Paul Pogba

(Manchester) 01 Agoosto 2021. Naadiga Manchester United ayaa lasoo warinayaa inay isu diyaarineyso la’aanta Paul Pogba iyadoo haatan macallinka naadiga ee Ole Gunnar Solskjaer uu diiwaanka ku darsaday saddex ciyaaryahan kuwaasoo uu doonayo inay baddel u noqdaan kubbad qaabeeyaha Faransiiska.

Xiddigii hore ee Juventus ayaa si aad ah loola xiriirinayaa naadiga Paris Saint-Germain maadaama uu galay 12-kii bilood ee ugu dambeeyay qandaraaskiisa garoonka Old Trafford iyadoo wararka qaar ay sheegayaan inuu laacibkan ka caga jiidayo inuu heshiis cusub la galo Red Devils.

Wargeyska ESPN ayaa sheegay in macallinka reer Norway uu doonayo lasoo saxiixashada xiddigaha kala ah Rennes xiddigeeda Eduardo Camavinga, laacibka Atletico Madrid ee Saul Niguez iyo Wolverhampton Wanderers khadkeeda dhexe ee Ruben Neves.

Si kastaba ha ahaatee, Man United ayaa loollan ku aaddan saxiixa Saul kala kulmeysa naadiga Liverpool, waxayna u badan tahay inay si toos ah ugu dhaqaaqi doonto lasoo saxiixashada laba kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close