Tottenham iyo Atalanta oo ku heshiiyay iibka Cristian Romero & Hal caqabad oo hor taagan in heshiiska la dhammeystiro

(London) 01 Agoosto 2021. Kooxaha kubadda cagta ee Tottenham Hotspur iyo Atalanta ayaa ku heshiiyay iibka xiddiga difaaca ka ciyaara ee Cristian Romero kaasoo naadiga London ka dhisan ku biiri doona xagaagan.

Sida laga soo xigtay wargeyska Football Italia, labada naadi ayaa ku heshiiyay qiimo gaaraya 43 milyan oo gini oo lagu daray 4 milyan oo gini oo ah gunnooyin ku xiran wax qabadkiisa, balse waxaa harsan inuu ciyaaryahanka heshiis shaqsi ah la gaaro kooxda Spurs si uu u dhammeystirmo iibka difaaca dhexe ee xulka qaranka Argentina.

Kooxda ka dhisan Waqooyiga London ayaa sida la sheegay la diyaar ah qandaraas gaaraya illaa iyo shan sano inay siiso Romero, balse lama oga qandaraaskaas mushaharka uu ku qaadan doono.

Si kastaba ha ahaatee, 23-sano jirkaan ayaa door muhiim ah ku lahaa in xulka Argentina uu ku guuleysto tartankii Copa America ee sanadkan lagu qabtay dalka Brazil, waxaana uu wali ku jiraa fasaxiisa xagaaga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close