Manchester United oo mid ka mid ah xiddigaheeda ku abaal-marineysa qandaraas cusub kaddib bandhig wacan oo uu ka sameeyay Euro 2020

(Manchester) 01 Agoosto 2021. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa xagaagan si aad ah uga mashquulsan suuqa kala iibsiga balse waxay sidoo kale maanka ku heysaa xaaladda qandaraasyada xiddigaha haatan safkeeda ku jira.

Man United ayaa haatan diyaar u ah inay heshiis cusub ku abaal-mariso xiddigeeda difaaca ka ciyaara ee Luke Shaw kaasoo qaab ciyaareed il-qabad leh kusoo bandhigay tartankii Euro 2020 oo uu xulkiisa England ka saaciday inay gaaraan fiinaalka tartanka markaa soo xulka Taliyaaniga rigooreyaal koobka kaga qaaday xulka Saddexda Libaax.

Si kastaba ha ahaatee, qandaraaska uu Shaw haatan kula jiro Red Devils ayaa ku eg 2023 inkastoo ay Red Devils heysato qodob heshiiskiisa ay hal sano ugu kordhin karto, waxayna haatan kooxda Ingiriiska ka dhisan ay qorsheyneysaa inay maalmaha soo aaddan wada-xaajood rasmi ah la furato wakiillada difaaca bidix.

Shaw ayaa tababarka kusoo laaban doona toddobaadkan iyadoo sidoo kale Manchester United ay dib u heli doonto Kabtankeeda Harry Maguire iyo kubbad qaabeeyaheeda Paul Pogba.

Luke Shaw makes history in Euro 2020 final after England's dream start vs  Italy - swiftheadline

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close