Wargeys kasoo baxa Spain oo shaaciyay qorshaha rasmiga ah ee ay Barcelona ka leedahay Griezmann iyo Coutinho inuusan ahayn in la iibiyo… (Maxay tahay sababta?)

(Barcelona) 31 Luulyo 2021. Xiddigaha kala ah Antoine Griezmann iyo Philippe Coutinho ayaa hoggaaminayay diiwaanka xiddigaha shakiga weyn uu ku jiray mustaqbalkooda naadiga Barcelona sidoo kalena la hadal hayay in la iibin doono xagaagan sabab la xiriirta dhaqaale-xummida soo food-saartay kooxda Barca.

Balse wargeyska AS ee kasoo baxa dalka Spain ayaa sheegay inaysan Blaugrana iibineyn labadaas xiddig xagaagan iyadoo lagu sababeeyay inuu Macallin Ronald Koeman ku darsaday qorshahiisa xilli ciyaareedka soo socda.

Griezmann ayaa dhowaanahan lala xiriiriyay ku laabashada Atletico Madrid, balse waxaa guud ahaan hirgeli waayay qorshaha uu xiddigan kaga dhaqaaqi lahaa gegada Camp Nou, halka Coutinho oo dhaawac kaga maqnaa garoommada tan iyo bishii November ee sanadkii hore isaguna lala xiriiriyay u hayaamidda Premier League iyo Serie A.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira xiddigo dhowr ah oo ay Barcelona u raadineyso koox ka iibsata xagaagan si ay isula sinto miisaaniyaddeeda mushaharaadka taasoo ka caawineysa inay qandaraas cusub si rasmi ah kaga saxiixato Lionel Messi kaasoo heshiiskiisii hore uu dhacay dhammaadkii June.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close