RASMI: Trent Alexander-Arnold oo heshiis cusub u saxiixay Liverpool

(Liverpool) 31 Luulyo 2021. Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa si rasmi ah u shaacisay in xiddigeeda Trent Alexander-Arnold uu qalinka ku duugay qandaraas cusub shalay.

Qandaraaskan la kordhiyay ayaa ka dhigeysa difaaca midig ee xulka qaranka England inuu Anfield baaqi kusii ahaado illaa 2025.

Alexander-Arnold ayaa 179 ciyaarood u saftay Reds tan iyo markii uu saftay ciyaartiisii ugu horreysay ee kooxda koowaad kulan ay wajaheen Tottenham Hotspur kaasoo qayb ka ahaa tartanka Carabao Cup.

Si kastaba ha ahaatee, kaddib qandaraas kordhinta 22-sano jirkan, Liverpool ayaa haatan wada xaajood kula jirta xiddigo uu ka mid yahay Goolhaye Alisson Becker si ay iyaguna heshiiska ugu kordhiso.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close