Manchester United oo xaqiijisay qalliinka uu Marcus Rashford mari doono & Xilliga uu garoommada kusoo laaban doono oo la baahiyay

(Manchester) 31 Luulyo 2021. Naadiga Manchester United ayaa war qoraal ah oo ay soo dhigtay barta ay Internet-ka ku leedahay ku xaqiijiyay in xiddigeeda Marcuso Rashford uu mari doono qalliin looga sameynayo garabka si loo xaliyo dhaawac ka heysta.

“Kaddib wada tashi ay sameeyeen Marcus, macallinka, dhaqaatiirta caafimaadka kooxda iyo dhaqaatiirta qalliinka fulineysa, Marcus waxa qalliin looga sameyn doonaa garabka si loo xalliyo dhaawaca uu ka qabay” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay hillinka naadiga Red Devils.

Weeraryahanka xulka qaranka England ayaa 64 ciyaarood saftay xul iyo kooxba xilli ciyaareedkii hore ee 2020-21 inkastoo uu ku ciyaaray dhaawac uu ka qabo garabka taasoo hoos u dhigtay bandhiggiisa, waxaana haatan uu go’aansaday inuu qalliin ku sameeyo garabkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayaa inuu laacibkan garoommada kusoo laaban doono bisha October ee sanadkan taasoo la micno ah inuu Man United ka maqnaan doona kulammada ugu horreeya ee xilli ciyaareedka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close