Halyeey Arsenal ah oo kula taliyay kooxda inay Tammy Abraham kala soo wareegaan Chelsea

(London) 31 Luulyo 2021. Halyeeyga kooxda Arsenal Nigel Winterbourne ayaa kula taliyay Gunners inay lasoo saxiixato weeraryahanka naadiga Chelsea ee Tammy Abraham.

Mustaqbalka 23 jirkaan weli ma cadda, marka loo eego wararka la xiriirinaya kooxaha West Ham, Aston Villa ama Arsenal, kaddib markii uu lumiyay kalsoonida macalinka reer Germany ee Thomas Tuchel.

Haddaba wargeyska “Daily Mail” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay walyeeyga kooxda Arsenal Nigel Winterbourne, waxaana uu yiri:

“Arsenal waxaa lala xiriiriyay inuu ka mid noqonayo Tammy Abraham oo kaga imaanaya kooxda Chelsea.”

“Hubaal wuu ku habboonaan lahaa Gunners, sababtoo ah waa da’ayar doonaya inuu is muujiyo.” Ayuur yiri halyeeyga kooxda Arsenal.

Magaca Tammy Abraham ayaa lala xiriiriyay inuu u dhaqaaqayo kooxda Arsenal xagaagan, xilli ay Chelsea dooneyso inay iska iibiso, maadaama ay hoos u dhacday fursadiisa dhanka weerarka ee kooxda Blues, maadaama ay doonayaan inay la saxiixdaan weeraryahan cusub.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close