RASMI: Kooxda Arsenal oo ku dhawaaqday saxiixa Ben White

(London) 30 Luulyo 2021. Arsenal ayaa ku dhawaaqday maanta oo jimce ah saxiixa ciyaaryahanka reer England Ben White oo ay kala soo wareegeen kooxda Brighton.

Kooxda reer London ee Arsenal ayaa war rasmi ah ay soo saartay waxay ku shaacisay:

“Ben White wuxuu nooga yimid kooxda Brighton heshiis waqti dheer ah.”

“23 jirkaan daafaca ah ayaa cadeeyay inuu yahay mid ka mid ah dhalinyarada ugu fiican Premier League, wuuna nagu soo biiray kaddib markii uu qeyb ka soo noqday xiddigaha xulka England ee Euro 2020.”

“Ben White wuxuu xiran doonaa Lambarka 4-aad waxana uu si deg-deg ah ugu biiri doonaa saaxiibadiisa cusub kahor kulanka saaxiibtinimo oo ay Axada la ciyaari doonaan Chelsea.”

Sida laga soo xigtay wargeysyada, qandaraaska Ben White ee kooxda Arsenal ayaa wuxuu socon doonaa ilaa iyo xagaaga 2026, iyada oo heshiiska uu ku kacay qiimo dhan 50 million pounds.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close