Sergio Ramos oo fariin u diray Raphaël Varane kaddib markii uu ka tagay Real Madrid

(Paris) 29 Luulyo 2021. Sergio Ramos ayaa fariin u diray xiddiga reer France ee Raphaël Varane, kadib markii uu ku biiray kooxda kubadda cagta ee Manchester United.

Ramos ayaa ka tagay Real Madrid isbuucyo ka hor wuxuuna ku biiray Paris Saint-Germain, waxaana uu haatan ka war helay in saaxiibkiis uu u dhaqaaqay Manchester United, kaddib markii ay si wadajir ah u gaareen guulo badan.

Haddaba Sergio Ramos ayaa wuxuu ku soo qoray bogiisa rasmiga ah ee Instagram-ka:

“Qaaligeyga Varane, waxaan kaliya kaaga mahadcelin karaa sanadahan saaxiibtinimada weyn, waxaan kuu rajeynayaa nasiib safarkaaga xiga.”

Si kastaba ha ahaatee, Labadan daafac ayaa guulo badan ku gaaray kooxda Real Madrid, kahor inta aysan ka tagin, iyada oo laga war qabo in Los Blancos ay lumisay laba ciyaartoy muhiim ka ah taariikhda kooxda, gaar ahaan tartanka Champions League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close