RASMI: Kooxda Real Madrid oo heshiis cusub ka saxiixatay Dani Carvajal… (Imise sano ayuu qalinka ugu duugay Los Blancos?)

(Madrid) 29 Luulyo 2021. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa heshiis cusub ka saxiixatay xiddigeeda Dani Carvajal, waxaana uu daafacan qalinka ugu duugay Los Blancos qandaraas ku eg illaa sanadka 2025-ka.

Daafacan dadabka midig ayaa xilli ciyaareedkii la soo dhaafay inta badan dhaawac ku maqnaa, laakiin weli waxaa loo arkaa inuu yahay dooqa koowaad ee uusan muran ka taagnay booskiisa.

Carvajal ayaa ku biiraya xiddigaha heshiiska cusub u saxiixay xagaagan Kooxda Real Madrid ee kala ah; Luka Modric oo qalinka ku duugay ilaa 2022, Lucas Vazquez oo saxiixay ilaa 2024 iyo Nacho oo qandaraaskiisa gaarsiiyey ilaa 2023.

Xiddiga liiska Real Madrid ku jira oo ay kooxdu doonayso inay qandaraas cusub ka saxiixato waxaa hoggaaminaya Karim Benzema, kaasoo la filayo inuu Los Blancos qalinka ugu duugi doono qandaraas ku eg illaa sanadka 2023-ka.

Carvajal ayaa kooxda la joogay in ka badan 20 sano, isagoo ku biiray La Fabrica isagoo da’yar ka hor inta uusan u soo dhaqaaqin markii ugu horeysay kooxda waa weyn xilli ciyaareedkii 2013/14 markaasoo uu Real Madrid hoggaaminayey Tababare Carlo Ancelotti.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close