Barcelona oo diyaar u ah inay dhexda u gasho qorshaha ay Tottenham ku dooneyso saxiixa xiddig ay iska leedahay Juventus

(Barcelona) 28 Luulyo 2021. Agaasimaha farsamada naadiga Tottenham Hotspur ee Fabio Paratici ayaa howl adag ugu jira dhib u dhiska naadiga Spurs isagoo haatan bartilmaameedsanaya saxiixa xiddiga kooxda Atalanta amaahda ugu ciyaara ee Cristian Romero kaasoo ay mulkiyaddiisu leedahay Juventus.

Balse wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya inay Tottenham cadaadis kala kulmeyso naadiga Barcelona oo ay wararku sheegayaan inay diyaar u tahay inay dhexda kala baxdo saxiixa difaaca reer Argentina.

Wargeyska Taliyaaniga kasoo baxa ee Sportitalia ayaa sheegay inay Barca diyaarineyso dalab rasmi ah oo ay u gudbiso Atalanta si ay kaga soo qaadato Romero iyadoo wargeyska uu intaas ku daray inay kooxda Taliyaaniga ah ku faraxsan tahay inay bataan kooxaha doonaya xiddigooda si ay qiimo sare ugu hesho iibkiisa.

23-sano jirkan ayaa bishii September ee sanadkii hore heshiis amaah ah oo gaaraya labo sano ugu biiray Atalanta isagoo ka tagay Juve, waxaana heshiiskaas qayb ka ah in Bianconeri looga iibsan karo 14 milyan gini, sidaas darteed, kooxda ka dhisan Bergamo ayaa sii iibin karta si ay macaash kaga sameyso.

Cristian Romero : The Argentine Footballer. All information here.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close