Waqtiga la baasan doono Shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub kal ciyaareedka cusub ee 2021-22 & Xilliga la sameyn doono isku aadka Champions League

(Yurub) 27 Luulyo 2021. Warbixintaan waxaan ku eegi doonnaa waqtiga la baasan doono shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub fasal ciyaareedka cusub ee 2021-22 iyo weliba xilliga la sameyn doono isku aadka Champions League.

Taageerayaasha ayaa sugaya in mar uun dib loo bilaabo horyaallada Yurub xilli ciyaareedkan cusub ee 2021-22 si ay u arkaan bandhigga ciyaartoyda ay la soo wareegeen Kooxahooda.

Sidoo kale waxaan soo gudbin doonaa waqtiga la ciyaari doono tartanka Champions League iyo xilliga la sameyn doono isku aadkiisa.

Halkaan hoose ka eeg xilliga la baasan doono shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub iyo weliba goorta la sameyn doono isku aadka Koobka horyaallada Yurub ee Champions League:-

>- 06 Agoosto waxaa Horyaalka ugu horreeya ee la baasanayo xilli ciyaareedkan uu noqonayaa kan Faransiiska ee Ligue 1.

>- 13-ka Agoosto Horyaalka Bundesliga ayaa furmaya si la mid ah horyaalka La Liga Spain iyo kan horyaalka English Premier League.

>- 22-ka Agoosto horyaalka Serie A ee Talyaaniga ayaa ah kan ugu dambeeya ee la baasan doono shanta horyaal ee ugu waa weyn qaaradda Yurub xilli ciyaareedkan 2021-22.

>- Dhanka kale 26-ka Agoosto waxaa la sameyn doonaa isku aadka Champions League, iyadoo kulamadiisa furitaanka tartanka Koobka horyaallada Yurub la ciyaari doono 14- bisha September.

Kubadda cagtu waa ay soo laabanaysaa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close