Waa kee xiddiga cusub ee codsaday inuu ka tago Real Madrid, kaddib Raphael Varane?

(Madrid) 27 Luulyo 2021. Sida ay shaaca ka qaadeen wararka ka imaanaya Spain, waxaa jira magaca ciyaaryahan cusub oo ka tirsan safka Real Madrid oo codsaday inuu ka tago kooxda xagaagan.

Sida laga soo xigtay barnaamijka “Cuatro” ee dalka Spain xiddiga reer Norway ee Martin Ødegaard ayaa u muuqda midaan ku faraxsaneyn Real Madrid kaddib markii uu amaah uga soo laabtay xagaagan.

Martin Ødegaard ayaa awoodi waayay inuu la qabsado jawiga Real Madrid, waxayna wakiiladiisa raadinayaan dalabyo macquul ah oo ku socda xiddiga reer Norway.

Haddaba barnaamijka “Cuatro” ee dalka Spain ayaa muujiyay in Real Madrid aysan wax dhib ah u arkin inuu si toos ah kaga baxo Martin Ødegaard, inta lagu guda jiro suuqan kala iibsiga ee xagaaga.

Martin Odegaard to Be Involved in Carlo Ancelotti's Clinical Attack in Real Madrid - EssentiallySports

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in Martin Ødegaard laga yaabo inuu ku laabto Arsenal, kaddib markii ciyaaryahanka uu dareemay inuu halkaas raaxo ku dareemayo.

Ødegaard ayaa u dhaqaaqay kooxda Arsenal bishii January ee la soo dhaafay, wuxuuna u ciyaaray 20 kulan oo isugu jira Premier League iyo Europa League, isagoo dhaliyay 2 gool, wuxuuna sidoo kale caawiyay 2 gool kale.

Dhinaca kale Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayaa inay saacadaha soo aaddan dhammaystirayso heshiiska ay kula wareegeyso daafaca reer France iyo Real Madrid ee Raphael Varane.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close