Manchester United oo ku soo biirtay tartanka loogu jiro xiddig bartilmaameed u ah Kooxda Chelsea

(Manchester) 27 Luulyo 2021. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ku soo biirtay tartanka loogu jiro laacib bartilmaameed u ah naadiga Chelsea.

Kooxda ka arrimisa garoonka Old Trafford ee Man United ayaa diyaar u ah inay kula tartamaan naadiga ay xafiiltamaan ee Chelsea saxiixa daafaca Sevilla ee Jules Kounde.

Inkastoo ay ku dhow dahay inay Real Madrid kala soo wareegto Raphael Varane, haddana Tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa la sheegay inuu sidoo kale qorsheynayo u dhaqaaqista Kounde.

Chelsea ayaa kula dagaalameysa kooxo dhowr ah adeegga 22-sano jirkaan, kaasoo 48 kulan u saftay tartammada oo dhan xilli ciyaareedkii hore.

Man Utd transfer news: Kounde bid planned after Varane deal

Wargeyska Daily Mail ayaa warinaya in Red Devils ay noqon doonto mid ka mid ah kooxaha doonaya saxiixa xiddigan, maadaama daafacan uu ku habboon yahay qaab ciyaareedka kooxda oo uu yahay ciyaaryahan leh karti iyo waxqabad badan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close