Kooxda Chelsea oo Jack Grealish ka afduubanaysa Manchester City oo aad u doonaysa saxiixiisa

(London) 27 Luulyo 2021. Kooxda Chelsea ayaa la soo warinayaa inay diyaar u tahay inay Jack Grealish ka afduubayo Manchester City oo saxiixiisa doonaysa.

Sida ay warinayaan wararka laga helayo gudaha Talyaaniga, Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa diyaar u ah inay Manchester City ka afduubato Jack Grealish oo ay doonayso saxiixiisa, waxaana haatan bartilmaameed ka dhiganaya oo indhaha ku haya Tababare Thomas Tuchel.

Man City ayaa u muuqata inay u diyaar-garoobeyso la soo saxiixashada 25-sano jirkaan, iyadoo Aston Villa ay dul dhigeyso iibka laacibkan 100 milyan oo gini.

Erling Haaland, Romelu Lukaku iyo Robert Lewandowski ayaa dhammaantood ku jira liiska xiddigaha uu Tababare Tuchel suuqa ka doonayo, laakiin bartilmaameedyadaas ayaa u muuqda kuwo aan la gaari karin, waxaa la rumeysan yahay in Blues ay haatan soo gashay loollanka loogu jiro saxiixa Grealish, sida laga soo xigtay Shabakadda TuttoMercatoWeb.

Man City lining up £100m move for Aston Villa's Grealish | Goal.com

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close