Goorta iyo Goobta lagu ciyaari doono kulanka lagu go’aanminayo kooxda ku guuleysanaysa horyaalka Somali Premier League ee MCC iyo Horseed oo la shaaciyey

(Muqdisho) 27 Luulyo 2021. Kulanka lagu go’aanmin doono Kooxda ku guuleysanaysa horyaalka Somali Premier League ee xilli ciyaareedkan oo u dhexeeya MCC iyo Horseed ayaa la shaaciyey.

Labadaan kooxood ayaa isku dhibco ku dhammaystay horyaalka Somali Premier League, waxaana loo baahday in lagu kala saaro kulan kala bax ah, kaasoo hadda la xaqiijiyey goorta iyo goobta lagu dheeli doono.

Kaddib kulan ay qaateen guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya, Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Xiriirka Kubadda Cagta iyo xubno kale oo ka shaqeenaya qabsoomidda kulankaan Playoff-ka ee Horyaalka heerka koowaad Soomaaliya kana dhacay xarunta aqalka dowladda hoose ee xamar ayaa lagu go’aamiyey taariikhda la ciyaari doono iyo garoonka lagu dheeli doono.

Waxaa la isku raacday in cayaartaan oo dhex-mari doonta Kooxaha MCC iyo Horseed ay dhacdo 2-da bisha Agoosto ee 2021 oo ku beegan Isniinta soo aaddan, kana dhacdo Garoonka Eng. Yariisow Stadium (Ex-Koonis).

Waxaa laga soo wareejiyey kulankan Playoff-ka garoonka Stadium Mogadishu oo inta badan qeybihii dambe ee horyaalka Somali Premier League lagu ciyaarayey, maxaa yeelay garoonkaas weyn malahan shabaq celiya taageerayaasha waana sababta kulankan qabsoomiddiisa looga dhigay Eng. Yariisow Stadium.

MCC iyo Horseed ayaa kooxdii ku adkaata kulankaas loo caleemo saari doonaa hanashada horyaalka Somali Premier League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close