RASMI: Neymar Jr iyo Barcelona oo soo gaba-gabeeyay dagaalkoodii maxkamadda

(Yurub) 26 Luulyo 2021. Ciyaaryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar Jr iyo kooxda Barcelona ayaa si is af garad ah kusoo af-jaray dagaalkii sharciga ahaa ee u dhexeeyay kaasoo saldhiggiisu ahaa gunnooyin uu labada dhinac midba midka kale kula dhegnaa.

Qareennada labada dhinac ayaa ku heshiiyay inay wixii lacag ah oo labada dhinac isku heysteen si nabdoon isu weydaarsadaan oo ay Barca siiso Neymar gunnooyinkii ku xusnaa heshiiskiisii uu ugu ciyaari jiray, halka isagana uu qaar ka mid ah gunnooyinkaas ka tanaasulayo.

Weeraryahanka reer Brazil ayaa Blaugrana ka tirsanaa intii u dhexeysay 2013 illaa 2017, waxaana ugu dambeyn uu 2017 ku biiray naadiga PSG oo lacago rikoor ah kula wareegtay iyagoo qandaraaskiisa ku burburiyay 222 milyan oo euro.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close