Koox ka dhisan dalka Spain oo doonaysa inay la wareegto Weeraryahanka Arsenal ee Alexandre Lacazette

(London) 26 Luulyo 2021. Sida wararku ay sheegayaan koox ka dhisan caasimadda Spain ayaa la soo sheegayaa inay doonayso inay gacanta ku dhigto Weeraryahanka Arsenal ee Alexandre Lacazette.

Warsidaha Calcio Mercato ayaa warinaya in kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ay doonayso inay la soo saxiixato Weeraryahanka Arsenal ee Alexandre Lacazette.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in kooxda reer Spain ay soo gudbin karto dalabkeeda ugu horreeya oo gaaraya 15 milyan oo euro oo u dhiganta 13 milyan oo gini ama 18 milyan oo dollar, dalabkaasoo ay ku doonayaan inay ku helaan xiddiga reer France.

The Gunners Weeraryahankeeda Alexandre Lacazette ayaa kaliya hal sano uu kaga harsan yahay qandaraaskiisa garoonka Emirates.

Tababare Diego Simeone ayaa aad ula dhacsan oo u doonaya Lacazette, halka Macallin Mikel Arteta uu diyaar u yahay inuu go’aansado bixitaanka Weeraryahankan ee Kooxda Arsenal.

Lacazette ayaa u ciyaaray Kooxda Arsenal 43 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore, isagoo dhaliyay 17 gool oo ay ku jiraan 13 gool oo uu ka dhaliyay Premier League.

30-sano jirkaan ayaa guud ahaan dhaliyey 65 gool 170 kulan oo uu u saftay Gunners.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close