Cristiano Ronaldo oo go’aanka Mustaqbalkiisa ku wargelinaya Kooxda Juventus… (Miyuu u sheegayaa inuu ka tagayo?)

(Turin) 26 Luulyo 2021. Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo gudaha dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in Cristiano Ronaldo uu go’aanka mustaqbalkiisa ku wargelinayo Kooxda kubadda cagta Juventus.

Warbixinnada waxaa lagu sheegay in xiddiga shanta goor ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or ee Ronaldo uu u sheegi doono Juventus inuu la sii joogi doono.

Shabakadda Sky Sports ayaa warinaysa in Cristiano Ronaldo uu u sheegi doono Kooxdiisa Juventus inuu sii joogi doono oo uusan meelna uga socon.

 Xiddiga xulka qaranka Portugal ayaa dib ugu soo laabtay tababarka Naadiga Bianconeri saakay oo Isniin ah, waxaana lagu wadaa inuu soo afjari doono su’aalaha ku saabsan mustaqbalkiisa Magaalada Turin.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close