Tottenham oo baddelka Harry Kane ka baadi goobeysa Manchester United & qiimaha lagu heli karo xiddiga ay dooneyso oo la shaaciyay

(London) 25 Luulyo 2021. Maadaama uu shaki weyn ku jiro mustaqbalka Harry Kane, naadiga Tottenham Hotspur ayaa baadi goob ugu jirta saxiixa xiddig baddel u noqda weeraryahankeeda, waxayna haatan bartilmaameed ka dhiganeysaa laacibka Manchester United ee Anthony Martial.

Wararka ka imaanaya dalka Ingiriiska ayaa sheegaya inay Red Devils iska iibineyso Martial isla markaasna ay aqbalayso dalab walba oo gaaraya 50 milyan oo gini.

Si kastaba ha ahaatee, wargeyska Daily Star ayaa sheegay inay maamulka Spurs qorsheynayaan u dhaqaaqista weeraryahanka Faransiiska ah, balse ay culeys weyn ku dareemayaan qiimaha lagu heli karo iyo mushaharka uu qaato.

Kooxda ka dhisan Waqooyiga London ayaa la dhibaatooneysa inay Kane kusii celiso safkeeda isagoo haatan si aad ah ugu dhow inuu ku biiro Manchester City, sidaas darteedna, Tottenham ayaa raadineysa baddelkiisa haddii uu xagaagan faraheeda ka baxo.

Manchester United have identified Anthony Martial replacement

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close