Romelu Lukaku oo go’aamiyay wararka xanta ah ee ku aadan inuu ku biirayo kooxda Chelsea

(Milano) 25 Luulyo 2021. Wargeyska “Daily Express” ee dalka England ayaa wariyay in kooxda Chelsea ay dalab ka gudbisay weeraryahanka reer Belgium ee iyo naadiga Inter Milan ee Romelu Lukaku, si ay ula saxiixato inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga ee xagaaga.

Romelu Lukaku ayaa xilli ciyaareed aan caadi ahayn la qaatay kooxda Inter Milan, wuxuuna si toos ah ugu gacan galiyay horyaalka Talyaaniga, taasoo ka dhigtay inay xiiseeyaan adeegiisa kooxo waaweyn ee doonaya inay xoojiyaan weerarkooda xilli ciyaareedka dambe.

Tababaraha kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa isha ku haya inuu la soo saxiixdo weeraryahan heer sare ah si uu ugu tartamo hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedka cusub.

Yeelkeeda, kooxda Blues ayaa isku dayday inay la soo saxiixato Erling Haaland, laakiin Borussia Dortmund ayaa si cad u diiday inay iibiso, taasoo ka dhigtay inay diirada saarto Romelu Lukaku.

Wargeyska ayaa sidoo kale tilmaamay in Chelsea ay dalab soo jiidasho leh u gudbisay Inter Milan si ay u hesho adeega weeraryahanka reer Belgium ee Lukaku, iyadoo tababare Thomas Tuchel uu sharad ku galay in Lukaku uu dhameystiri doono qorshihiisa dhanka weerarka.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Romelu Lukaku uusan waligiis ku fikirin inuu ka tago Inter Milan xilligan la joogo, sidaas darteedna uu u diiday dalabka ka yimid kooxda Chelsea, madaama uu dareemayo inuu ku faraxsan yahay Nerazzurri, islamarkaana uu doonayo inuu la sii joogo kooxda sanado badan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close