Robert Lewandowski oo sanadkii labaad oo xiriir ah ku guuleystay Abaal-marinta…

(Munich) 25 Luulyo 2021. Robert Lewandowski ayaa loo codeeyey ciyaaryahanka sanadka Jarmalka ee Germany’s Footballer of the Year.

Waa sanadkii labaad oo Weeraryahanka Kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ku guuleysto abaal-marinta laacibka sanadka Jarmalka.

Abaal-marintan ayaa waxaa bixiyo Urur ay ku mideysan yihiin Suxufiyiinta isboortiga ee Waddanka Jarmalka, waxaa uu hantay Robert Lewandowski sanadkii labaad oo xiriir ah.

Robert Lewandowski ayaa helay codad dhan  356 cod, waxaana uu abaal-marintan ku garaacay Thomas Müller oo helay 41 cod iyo Erling Haaland oo la yimid 38 cod.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close