Chelsea iyo Manchester City oo ku dagaallamaya laacib khadka dhexe kaga ciyaara Barcelona

(England) 25 Luulyo 2021. Kooxaha kubadda cagta ee Manchester City iyo Chelsea ayaa waddada ku sugaya xiddigaha ay Barcelona iska iibineyso xagaagan si ay u xaliso dhibaatooyinkeeda dhaqaale, waxaana haatan lagu soo warramayaa inay xiiseynayaan soo qaadashada Ilaix Moriba.

18-sano jirkan ayaa ka caga jiidaya inuu qandaraaska u kordhiyo Barca waxayna arintaas dhalisay in laga reebo kooxda koowaad kulammada isu diyaarinta xilli ciyaareedka dambe illaa uu aqbalo inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Wargeyska Sport ee kasoo baxa magaalada Barcelona ayaa sheegay inuu laacibkan khadka dhexe ka ciyaara ka gadoodsan yahay qaabka ay kooxdiisa ugu qasbeyso inay heshiiska u kordhiso, sidaas darteedna, waxa uu doonayaa inuu isaga tago Camp Nou.

Kooxaha wada ciyaaray fiinaalkii Champions League ee xilli ciyaareedkii hore ayaa ku hardamaya saxiixa Moriba kaasoo heshiiskiisu uu dhici doono xagaaga dambe ee 2022 iyadoo ay xusid mudan tahay in sidoo kale heshiiskiisa lagu burburin karo 86 milyan oo gini.

Ilaix Moriba could be dropped from Barcelona B as negotiations become tense  - Football Espana

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close