Bayern Munich oo xiiseynaysa mid ka mid ah Weeraryahannada Kooxda Chelsea… (Miyey Blues ka iibin doontaa?)

(Munich) 25 Luulyo 2021. Bayern Munich ayaa la soo warinayaa inay xiiseynayso mid ka mid ah weeraryahnada Kooxda kubadda cagta Chelsea.

Weeraryahanka reer Jarmal ee Timo Werner ayaa looga gacan haatinayaan garoonka Allianz Arena.

Kooxda Chelsea Weeraryahankeeda Timo Werner ayaa xiiso ka helaya naadiga reer Jarmal ee Bayern Munich sida uu warinayo Warsidaha Football Insider.

Macallinka Kooxda Bayern Munich ee Julian Nagelsmann ayaa doonaya inuu dib ugula midoobo xagaagan garoonka Allianz Arena Weeraryahankiisii hore Naadiga RB Leipzig sida warbixinta lagu sheegay.

Waxaa la soo jeediyay in Chelsea ay lacag ku heli karto Werner, kaasoo kaliya ku guuleystay inuu dhaliyo lix gool 35 kulan oo horyaalka Premier League ah oo uu ciyaaray fasal ciyaareedkii 2020-21.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close