Man City iyo Tottenham oo ku heshiiyay iibka Harry Kane… (Qiimaha uu ku aadayo Etihad & mushaharka uu qaadan doono)

(Manchester) 24 Luulyo 2021. Kooxaha Manchester City iyo Tottenham Hotspur ayaa lagu soo warramayaa inay ku heshiisyaan iibka Harry Kane oo weerarka kaga ciyaara Tottenham sida uu daabacay wargeyska The Sun.

Wargeyska ayaa intaas ku daray in kabtanka xulka qaranka England uu ku dhaqaaqi doono qiimo dhan 160 milyan oo gini isagoo Etihad ka qaadan doono mushahar dhan 400 kun oo gini.

27-sano jirkan ayaa heshiiska shaqsiga ah goor hore la gaaray Man City, waxaana uu sheegay in dhammeystirka iibkan uu dib ugu dhigay sabab la xiriirta xafladda arooska walaalkiis oo dhacday toddobaadkii hore.

Si kastaba ha ahaatee, Spurs ayaa la sheegay inay iska soo diidday dalab ku kacayay 100 milyan oo gini kaasoo u yimid kahor inta aysan aqbalin dalabkan labaad.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close