Inuu laad uga soo saaray qolkiisa iyadoo qaawan, inuu farriimo sharafteeda dhaawacaya uu u diray goobta shaqadeeda iyo eedeymaha ay Ryan Giggs usoo jeedisay gacalisadiisii hore oo halyeyga Man United loo soo istaajiyay maxkamadda

(Manchester) 24 Luulyo 2021. Ryan Giggs oo garabka kaga ciyaari jiray naadiga Manchester United ayaa kasoo muuqday maxkamadda Manchester Crown Court isagoo markii labaad dafiraya eedeymaha loo heysto oo ah inuu bahdilay gacalisadiisii hore ee Kate Greville iyo walaasheed ka yar oo lagu magacaabo Emma Greville.

Giggs ayaa iska fogeeyay inuu xukumayay ama uu awood iyo hanjabaad kula socday gacalisadiisii hore intii u dhexeysay 2017 ilaa 2020.

Sida lagu sheegay faah-faahinnada dhacdooyinka muranka dhaliyay, Tababarahii hore ee xulka qaranka Wales ayaa gadaal kasoo laaday Kate Greville isagoo qasab kaga soo saaray qolkii jiifka uu ka degganaa huteelka Stafford Hotel ee ku yaalla magaalada London ee caasimadda England, waxaana intaas la raaciyay inuu qolka kasoo saaray iyadoo aanan dhar xirneyn sidoo kalena boorsadeeda uu kasoo daba tuuray kaddib markii ay ku murmeen xiriir uu la lahaa dumar kale sida ay gabadha ku eedeysay.

Dhinaca kale, 47-sano jirkan ayaa loo heystaa eedeymo intaas ka sii dheer oo la xiriira kiiskan, waxaana ka mid ah:-

Inuu fariin u diri jiray kaddibna uu ka xannibi jiray inay fariin usoo dirto (Block) marka ay dad kale habeenkii bannaanka u raacdo ama marka ay iyadu kusoo hadal qaaddo inuu xiriir la sameynayo dumar kale.

Inuu ugu cago jugleeyay inuu fariimmo iyo E-mail uu u diro asxaabteeda ama goobteeda shaqo si uu ugu war geliyo inay dabeecadaheeda iyo inuu la lahaa iyada haasaawe ku dhisan xiriir-galmo.

Inuu bannaanka kusoo tuuray wixii ay lahayd markii ay weydiisay inuu xiriir la sameynayo hablo kale iyagoo ku sugan qolka uu ka daggan yahay huteelka.

Inuu iyada iyo asxaabteeda si joogto ah ugu dirayay fariimo aanan habbooneyn iyo wicitaanno aanan qummaneyn marka ay isku daydo inay burburiso xiriirkooda.

Markii ay isku dayday inuu baabi’iso xiriirkaas, inuu si joogto ah ugu tagi jiray gurigeeda, goobteeda shaqo iyo jiimka isagoo aanan ogeysiin ama aysan casuumin.

Si kastaba ha ahaatee, Giggs ayaa iska fogeeyay dhammaan eedeymahaas, waxaana uu sheegay inuu rajeynayo inuu kiiskan ka nadiifiyo magaciisa xilli ay xusid mudan tahay inay tahay markii labaad ee kiiskan maxkamad loo soo istaajiyay kaddib bishii April oo uu dambiga ku caddaan waayay.

Halyeyga Man United ayaa la sheegay inuu markale soo xaadiri doono isla maxkammaddan 8-da bisha August si loo markii saddexaad loo dhageysto dacwada kiiskan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close