Fernandes, Maguire, Cavani & 12-ka xiddig ee uu Macallin Ole Gunnar Solskjaer keenay Kooxda Manchester United

(Manchester) 24 Luulyo 2021. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa Maanta heshiis cusub ka saxiixatay Tababaraheeda Ole Gunnar Solskjaer, waxaana warbixintaan ku eegeynaa ilaa 12 xiddig oo magacyo waa weyn leh oo uu keenay kooxda.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa heshiiska u cusboonaysiisyey Manchester United, waxaana uu qalinka ku duugay qandaraaska kooxda ku sii hayn doona ilaa ugu yaraan sanadka 2024-ka, isagoo weliba qiyaar u haysta in sanad kale uu ku kordhin karo heshiiskiisa haddii loo baahdo.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa xiddigo badan oo ku jiraan Harry Maguire, Bruno Fernandes, Aaron Wan-Bissaka iyo Edinson Cavani ku soo biiriyey Kooxda Manchester United.

Haddaba halkaan hoose ka eeg 12 ciyaaryahan oo uu Macallin Ole Gunnar Solskjaer keenay Kooxda Manchester United:-

Harry Maguire

Bruno Fernandes

Aaron Wan-Bissaka

Daniel James

Odion Ighalo

Donny van de Beek

Amad Diallo

Alex Telles

Facundo Pellistri

Edinson Cavani

Jadon Sancho

Tom Heaton

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close