RASMI: Real Madrid oo ku dhawaaqday in Karim Benzema laga helay Korona Fayras

(Madrid) 23 Luulyo 2021. Kooxda Real Madrid ayaa ku shaacisay maanta oo Jimco ah warbixin rasmi ah ay soo saartay, in ciyaaryahanka weerarka kaga ciyaara ee Karim Benzema uu ku dhacay xanuunka Korona Fayras.

Real Madrid ayaa war rasmi ah ay soo saartay waxay ku sheegtay:

“Kooxda Real waxay ku dhawaaqeysaa in natiijada tijaabooyinkii la marsiiyey ay muujiyeen in Benzema uu qabo KOFID 19.”

Benzema ayaa xagaagan kala qeyb galay xulka qaranka France koobkii Qaramada Yurub ee Euro 2020, isaga oo ka sameeyay bandhig muuqda oo la taaban karo.

Karim Benzema ayaa ku guuleystey inuu dhaliyo 30 gool, isaga oo 9 gool kale ka caawiyey asxaabtiisa xilli ciyaareedkii hore, kaddib 46 kulan uu u ciyaaray kooxda Real Madrid tartamada oo dhan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close