Suxufiga dhanka suuqa looga dambeeyo ee Romano oo ka hadlay xaqiiqada ku aadan in Arsenal ay ku dhowdahay saxiixa Tammy Abraham

(London) 21 Luulyo 2021. Fabrizio Romano oo ah khabiir ku xeel dheer suuqa kala iibsiga Yurub, ayaa daaha ka rogay runta wararka xanta ee haatan sheegaya in Arsenal ay ku dhowdahay inay la soo wareegto weeraryahanka reer England ee Tammy Abraham, oo ka tirsan kooxda Chelsea.

Magaca Tammy Abraham ayaa lala xiriiriyay inuu u dhaqaaqayo kooxda Arsenal xagaagan, maadaama ay Chelsea dooneyso inay iska iibiso, maadaama ay hoos u dhacday fursadiisa dhanka weerarka ee kooxda Blues, maadaama ay doonayaan inay la saxiixdaan weeraryahan cusub.

Haddaba Fabrizio Romano oo ah khabiir ku xeel dheer suuqa kala iibsiga Yurub ayaa wuxuu ku soo qoray bartiisa Facebook:

“Arsenal hada wadahadal kulama jirto Chelsea si ay ula soo saxiixato Tammy Abraham.”

“Arsenal waxaa lagu wargaliyay in ciyaaryahanka la iibinayo, laakiin ma aysan jirin wax wadahadal ah oo ay la galeen Blues si ay u iibsadaan.”

“Chelsea way ogtahay xiisaha Arsenal, laakiin ma aysan helin wax dalab rasmi ah.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close