Kooxda Man United oo maanta oo kale qiimo rikoorka Britain ah kula soo saxiixatay Roy Keane

(Manchester) 19 Luulyo 2021. Maanta oo kale sanadkii 1993-kii kooxda kubadda cagta ayaa la soo saxiixatay Roy Keane, kaasoo ay kala soo wareegeen Nottingham Forest.

Manchester United ayaa Roy Keane kula soo wareegtay heshiis markaas noqday rikoorka Britain, waxaana ay Nottingham Forest ugala soo saxiixdeen adduun dhan 3.75 milyan oo gini.

Waxa uu Roy Keane u saftay Man United 470 kulan, isagoo u dhaliyey 51 gool, waxaana uu kula guuleystay 17 koob.

Kaliya John Terry ayaa tiro ka badan ku guuleystay horyaalka Premier League isagoo kabtan ah xiddigan Roy Keane oo kabtan u ahaa Manchester United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close