Jose Mourinho oo arrin la yaab leh ka sameeyay tababarka AS Roma si uu xiddigahiisa ugu muujiyo khaladaadkooda… + (Sawirrada)

(Rome) 19 Luulyo 2021. Waxaa iska caadi ah inuu Jose Mourinho sameeyo ficillo maad leh marmarna abuura hadal heyn balaaran, haatanna waxaa uu farsamo cusub kusoo kordhiyay tababarka kooxda AS Roma.
Tababaraha isku naaneysay Special One (Mid khaas ah) ayaa kaamirooyinka hawada loo diro ee loo yaqaano DRONE ku duubay tababarkii Roma si uu xiddigahiisa u tuso khaladaadka tababarka ay ku sameynayaan.
Naadiga Roma ayaa barteeda Twitter-ka soo dhigtay muuqaal gaaban oo muujinaya macallinka reer Portugal oo adeegsanaya kaamirooyinka hawada loo diro xilli uu kooxdiisa u diyaarinayo inay xilli ciyaareedka soo socda bandhig heer sare ah ka sameeyaan horyaalka Serie A.
DAAWO SAWIRRADA:
Gool FM.