Mid ka mid ah saxiixyada cusub ee Kooxda PSG oo laga helay Korona Fayras

(Paris) 17 Luulyo 2021. Sida wararku ay sheegayaan mid ka mid ah saxiixyada cusub ee Kooxda Paris Saint-Germain ayaa laga helay caabuqa saf marka ah ee Korona Fayras.

Warbixin dhowaan soo baxday oo ay warinayaan Wargeysyada ka soo baxa Faransiiska ayaa lagu sheegay in ciyaaryahan Achraf Hakimi oo ku cusub kooxda PSG laga helay Korona Fayras.

L’Équipe oo ka mid ah Wargeysayada ugu waa weyn ee ka soo baxa Waddanka Faransiiska ayaa daabacay in Achraf Hakimi laga helay KOFID 19, isla markaana uu karaantiil geli doono.

Xiddigan Daafaca midig ka ciyaara ayaa kooxda ka dhisan caasimadda Faransiiska ee PSG, waxa uu kaga soo biiray naadiga Inter Milan ee ka dheesha horyaalka Serie A.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close