Magaaladee marti-galin doonta final-ka UEFA Champions League ee 2023?

(Yurub) 17 Luulyo 2021. Guddiga Fulinta ee UEFA ayaa Jimcihii go’aamiyay in Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ay marti-galin doonto finalka Champions League 2023.

Maaddaama final-kii 2021 loo wareejiyay Magaalada Porto, haatan Magaalada Istanbul ayaa la shaaciyey inay noqon doonto goobta lagu qaban doono final-ka Koobka Horyaallada Yurub ee UEFA Champions League sanadka 2023-ka, waxaana gaar ahaan lagu ciyaari doonaa garoonka Ataturk Olympic Stadium.

Isku aadka wareegga Guruubyada xilli ciyaareedka soo socda ee Champions League, Europa League iyo Conference League ayaa sidoo kale lagu qaban doonaa Magaalada Istanbul dhammaadka bisha Agoosto.

Fiinaallada tartammada Yurub iyo magaalooyinka marti gelin doona sanadaha soo socda:

Final-ka Champions League ee 2023-ka ayaa markii hore lagu waday in lagu ciyaaro Magaalada Munich ee dalka Jarmalka, laakiin waxaa hadda la sii shaaciyey in Magaaladaasi ay marti-gelin doonto final-ka Champions League ee 2025-ka.

Garoonka Wembley ee magaalada London ayaa sii heysan doona marti-galintiisa final-ka UEFA Champions League ee 2024.

Ugu dambeyntiina, Magaalada Dublin ee Jamhuuriyadda Ireland ayaa martigalin doonta final-ka Europa League sanadka 2024-ka, halka Magaalada Bilbao ay marti-galin doonto final-ka tartanka haweenka ee Champions League sanadka 2024-ka iyo Europa League sanadka 2025-ka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close