Kooxda Sassuolo oo ka soo jawaabtay dalabkii ay Juventus ka gudbisay Manuel Locatalli… (Miyey Juve heshay war faxad leh?)

(Turin) 17 Luulyo 2021. Kooxda kubadda cagta Sassuolo ayaa ka soo jawaabtay dalabkii ay naadiga Juventus ka soo gudbisay ciyaaryahan Manuel Locatalli.

Sida wararku ay sheegayaan naadiga Juventus ayaa war faxad leh ka helin kooxda Sassuolo, maadaama laga soo diiday dalabkii 30 milyan oo euro ahaa ee ay ka gudbisay Manuel Locatalli.

Shabakadda ciyaaraha ee Goal.com oo sheekadaan daabacday ayaa warbixinteeda ku sheegtay in ay fahamsan yihiin in Kooxda Sassuolo ay ka soo diiday Juventus dalabkii ay ka gudbisay Locatalli.

Juventus ayaa laacibkan reer Talyaani ka gudbisay dalab ku kacayay 30 milyan oo euro oo u dhiganta 26 milyan oo gini ama 35 milyan oo dollar, kaasoo ahaa labo sanadood oo amaah ah dooqna ay u haysato inay wada iibsan karto haddii ay la dhacaan qaab ciyaareedkiisa, laakiin sheekadaas waa laga soo diiday haatan.

Report: Sassuolo still not in love with Juventus' latest offer for Manuel  Locatelli - Black & White & Read All Over

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Kooxda Sassuolo oo uu ka tirsan yahay laacibkan khadka dhexe ee Manuel Locatalli ay soo diiday dalabka Juventus ayna doonayso qiimo intaa ka badan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close