Inter Milan oo doonaysa inay la saxiixato daafac ka tirsan Kooxda Manchester United

(Milan) 17 Luulyo 2021. Inter Milan ayaa la soo warinayaa inay doonayso inay la saxiixato daafac ka tirsan naadiga Manchester United sida wararku ay sheegayaan.

Sida uu warinayo Gianluca Di Marzio Kooxda Inter Milan ayaa eegeysa inay la saxiixato oo weliba ay amaah ku qaadato Alex Telles oo ka tirsan naadiga reer England ee Manchester United.

Alex Telles ayaa horay ugu soo ciyaaray kooxda Inter Milan weliba qaab amaah ah xilli ciyaareedkii 2015-16, waxaana naadiga reer Talyaani ay haatan doonayaan inay dib u soo ceshato daafacan.

Alex Telles opens up on Old Trafford rivalry with Luke Shaw

Iyadoo Telles uu yahay bartilmaameedkooda koowaad ee daafaca bidix, haddana Inter Milan ayaa doonaysa inay sidoo kale safkeeda ku darto ciyaaryahanka kooxda Cagliari  ee Nahitan Nandez.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close