Cristiano Ronaldo oo ugu dambeyn go’aan ka qaatay mustaqbalkiisa xilli la xiriirinayo Man United iyo PSG

(Turin) 17 Luulyo 2021. Waxaa haatan jiho yeeshay mustaqbalka Cristiano Ronaldo ee kooxda Juventus kaasoo bilihii ugu dambeeyay si aad ah loola xiriirinayay ku laabashada naadiyadiisii hore ee Manchester United iyo Sporting CP ama u hayaamiadda midkood Paris Saint-Germain, waxaana uu markan aqbalay inuu sii joogo xilli ciyaareed kale kooxdiisa.

Kabtanka Portugal ayaa sidaas darteed gali doona 12-kii bilood ee ugu dambeeyay qandaraaskiisa, waxaana Bianconeri ay halis ugu jirtaa inuu bilaash kaga tago xagaaga dambe markaas uu dhici doono qandaraaskiisa.

Xiddigii hore ee Real Madrid ayaa isagoo haatan 37-sano jir ah qaab ciyaareed heer sare ah kusoo bandhigaya garoommada kubadda cagta isagoo fasalkii tagay ku guuleystay gool-dhalinta horyaalka Serie A kaddib markii uu 29 jeer shabaqa gaaray, waxaana uu sidoo kale ku guuleystay gool-dhalinta tartanka qarammada Yurub ee EURO 2020 oo uu shan gool ka dhaliyay.

Si kastaba ha ahaatee, naadiga magaalada Turin ka dhisan ayaa dadaal dheer u gali doonta sidii ay qandaraas cusub uga saxiixan lahayd Ronaldo, haddii ay ku guuldarreysatana waxay bilaash ku lumin doonaan xiddiga shanta jeer ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or oo la aqoonsanyahay tan ugu weyn ee uu xiddig kubadda cagta ciyaara gacanta ku dhigo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close