Barcelona oo kaga shakisan Real Madrid inay sabab u tahay inaysan wali heshiis cusub ka saxiixan Ilaix Moriba

(Barcelona) 17 Luulyo 2021. Xiddiga khadka dhexe kaga ciyaara naadiga Barcelona ee Ilaix Moriba ayaa galay 12-kii bilood ee ugu dambeeyay qandaraaskiisa, walina ma uusan aqbalin inuu saxiixo heshiis cusub oo uu kooxdiisa kula sii joogayo.

Wararka kasoo baxaya dalka Spain ayaa sheegaya inay Barca kaga shakisan tahay Real Madrid inay si hoose uga shaqeyneyso inuusan 18-sano jirkan saxiixin qandaraas cusub si xagaaga dambe ay u helaan isagoo xor ah.

Bishii lasoo dhaafay ayaa lagu soo warramayaa inay naadiga Barcelona wada xaajood heshiis kordhin ah la billawday Moriba, hase ahaatee, waxay ku guuldarreysatay inay ku qanciso yabooh qandaraaskiisa loogu kordhinayo saddex sano waxaana haatan ay Blaugrana aaminsan tahay inay naadiga Madrid oo ay ku xafiiltamaan kulanka weyn ee El Classico sabab u tahay burburka wada xaajoodka sida ay Goal ku warrameyso.

Si kastaba ha ahaatee, Barca ayaa wali ku jirta dadaallada ay heshiiska ugu kordhineyso da’yarka khadka dhexe ka ciyaara inkastoo ay u sheegtay inuusan kooxda waaweyn kala qayb qaadan doonin isu diyaarinta xilli ciyaareedka soo socda illaa uu aqbalo inuu heshiiska u kordhiyo kooxda Camp Nou ku ciyaarta.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close