Paul Pogba oo aad ugu dhow inuu baahiyo go’aanka mustaqbalkiisa… (Miyuu ka tagayaa Manchester United?)

(Manchester) 15 Luulyo 2021Xiddiga khadka dhexe kaga ciyaara naadiga Manchester United ee Paul Pogba ayaa lagu soo warramayaa inuu aad ugu dhow yaha inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa si uu ula sii joogo.

Kubbad qaabeeyaha xulka qaranka Faransiiska ayaa maalmihii dambe si aad ah loola xiriirinayay ka tagista Old Trafford iyadoo ay xiiso u muujinayeen kooxaha Real Madrid, Juventus iyo Paris Saint-Germain, hase ahaatee, Pogba ayaa qaatay go’aan kaas ka duwan.

28-sano jirkan ayaa diyaar u ah inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo Red Devils isla markaasna uu saxiixo qandaraas cusub oo loogu kordhinayo mushaharkiisa inkastoo warkaani uusan rasmi ahayn.

Si kastaba ha ahaatee, qandaraaska uu Pogba kula joogo Manchester United ayaa dhici doona xagaaga dambe, haddii ay kooxda reer England aqbali weyso rabitaankiisana waxay halis ugu jirtaa inay xagaagan iibiso ama uu bilaash kaga tago 12 bilood kaddib.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close