Marcus Rashford oo walaac ku abuuray Manchester United isagoo garoommada ka maqnaan kara ilaa bisha October

(Manchester) 14 Luulyo 2021. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa xilli ciyaareedka soo aaddan bilawgiisa wajihi doonta walaac ku aaddan inay heli karin adeegga xiddigeeda Marcus Rashford kaasoo laga yaabo inuu garoommada ka maqnaado illaa bisha 10-aad ee sanadkan.

Weeraryahanka xulka qaranka Ingiriiska ayaa ayaa go’aansaday inuu garabkiisa ku sameeyo qaliin taasoo keeneysa inuu garoommada ka maqnaado illaa laga gaaro bisha October, waxaana uu sidaas ku seegi doonaa kulammada ugu horreeya ee Premier League fasalkiisa 2021-22.

Qaliinka uu xiddigan go’aansaday inuu garabkiisa ku sameeyo ayaa sida lagu soo warramayo la fulin doonaa marka ay dhammaato bishan July, waxaana u xigi doona soo kabasho qaadaneysa ugu yaraan 12 asbuuc.

Si kastaba ha ahaatee, 23-jirkan ayaa dhaawac uu ka qabo mid ka mid ah garbihiisa ku ciyaarayay qaybihii dambe ee xilli ciyaareedkii hore iyo tartankii qarammada Yurub ee fiinaalkiisa laga qaaday xulkiisa England isagoo qayb ka ahaa xiddigihii gool-ku-laadyada khasaariyay ciyaartii rigoorooyinka uu koobka ku qaaday Taliyaaniga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close