Zlatan Ibrahimovic oo sheegay inuu isagu lahaa abaalka in Xulka Talyaanigu ku guuleysto Koobka Qarammda Yurub sanadkan!

(Milan) 13 Luulyo 2021. Weeraryahanka kooxda AC Milan ee waddanka Talyaaniga, Zlatan Ibrahimovic ayaa sheegtay inuu isagu lahaa abaalka in xulka qaranka Talyaanigu ku guuleysto sanadkan koobka qarammada Yurub ee Euro 2020.

Isagoo hambalyo u dirayey goolhayaha xulka Talyaaniga ee Gianluigi Donnarumma ayaa Ibrahimovic waxaa hadalkiisa hambalyada ah laga dheehday inuu isagu abaal ku leeyahay xulka Talyaaniga ee hantay Koobka qarammada Yurub 2020.

Zlatan Ibrahimovic oo lagu yaqaanno inuu yahay nin aad afkiisa isugu amaana ayaa waxa uu boggiisa Instagram-ka ku qoray isagoo u hambaleyaynayay goolhayaha Talyaaniga ah ee Gianluigi Donnarumma: “Hal sano oo aad ila joogtay, jaa hal koob ayaad ku guuleysatay.”

Dhaliyaha reer Sweden ee Ibrahimovic ayaa hadalkaa ula jeeday sanadkii isaga iyo Goolhaye Donnarumma ay wada joogeen kooxda AC Milan uu wax badan goolhayahani ka kororsaday isaga, taasoo saacidday xulka Gli Azzurri.

Shabaq ilaaliyaha reer Talyaani ee Gianluigi Donnarumma oo haatan beeca xorta ah waxa uu qarka u saaran yahay inuu ka dhaqaaqo Kooxda AC Milan oo uu ka mid noqdo Naadiga PSG ee ka dhisan caasimadda Faransiiska.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close