RASMI: Xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA oo shaacisay 11-kii laacib ee ugu wanaagsanaa tartanka EURO 2020… (Jorginho & Sterling oo hoggaaminaya)

(Yurub) 13 Luulyo 2021. Xiriirka kubadda cagta qaaradda Yurub ee UEFA ayaa ku dhawaaqday shaxda ama 11-kii xiddig ee ugu wanaagsanaa tartanka koobka qarammada Yurub ee Euro 2020, waxaana hoggaaminaya Jorginho, Bonucci & Sterling.

Xulka qaranka Talyaaniga ee ku guuleystay Koobka ayaa xiddigaha ugu badan ku yeeshay shaxda 11-kii laacib ee ugu fiicnaa tartanka Euro 2020, waxaana xulka Azzurri uu ku leeyahay shan laacib.

Shanta xiddig ee uu shaxdaan ku yeeshay xulka Talyaaniga ayaa kala ah Goolhaye, Gigi Donnarumma, Leonardo Bonucci, Spinazzola, Jorginho iyo Chiesa.

Xulkii kaalinta labaad ka galay tartankan ee koobka laga qaaday ee Ingiriiska ayaa isuguna shaxda ugu fiican EURO 2020 waxa uu ku yeeshay saddex xiddig oo kala ah Kyle Walker, Harry Maguire iyo Raheem Sterling.

Xulka Belgium ayaa ku yeeshay Romelu Lukaku, halka xulka Spain loo soo qaaday da’yarka wacdaraha dhigay ee Pedri, iyadoo xulkii bandhigga wacan ka sameeyey tartanka sanadkan ee Denmark uu matalayo Piere-Emile Hojbjberg.

Haddaba halkaan hoose ka eeg shaxda 11-kii laacib ee ugu fiicnaa tartanka Euro 2020 oo ay shaacisay UEFA:-

Gianluigi Donnarumma (Italy); Kyle Walker (England), Leonardo Bonucci (Italy), Harry Maguire (England), Leonardo Spinazzola (Italy); Jorginho (Italy), Pierre-Emile Højbjerg (Denmark), Pedri (Spain); Federico Chiesa (Italy), Romelu Lukaku (Belgium), Raheem Sterling (England).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close