Sidee ayay noqotay shaxda kooxda tartanka EURO 2020?… (Yaa kusoo baxay kooxdan?)

(London) 12 Luulyo 2021. Magaalada London ayaa sagootisay xagaagii quruxda badnaa ee xulalka qaaradda Yurub ku loollameen tartanka EURO 2020 kaasoo ugu dambeyn xulka Taliyaaniga koobka ka qaadeen Ingiriiska, waxaana ciyaarta kaddib la sameeyay shax ka kooban xiddigihii bandhigga wacan ka sameeyay tartankan kuwaasoo loo aqoonsaday inay yihiin kooxda ugu wanaagsan tartanka oo afka qalaad loogu yeero Team Of The Tournament.

Haddaba shaxdan ayaa u dhigan 4-3-3, waxaana xiddigaha ku jira ay kala yihiin:

Goolhaye: Gianluigi Donnarumma

Difaaca: Kyle Walker, Giorgio Chiellini, Leonardo Bonucci, Leonardo Spinazzola

Khadka dhexe: Pedri, Jorginho, Marco Verratti

Weerarka: Raheem Sterling, Mikkel Damsgaard, Patrik Schick

Macallinka: Roberto Mancini

FG: Aqriste xiriirka UEFA ma uusan soo saarin shaxda ugu wanaagsan tartanka, sidaas darteed waraabhinta ayaa dookha shaqaalaheeda ku saleysa, waxaana shaxdaan u aragnay tan ugu habboon.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close