SAWIRRO: Barcelona iyo Maalintii ugu horreysay tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub… (Yaa weli ka maqan tababarka?)

(Barcelona) 12 Luulyo 2021. Kooxda kubadad cagta Barcelona ee ka dhisan dalka Spain ayaa dib ugu soo laabatay maanta oo Isniin ah Tababarkii ugu horreeyey ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub, waxaana lagu qabtay Ciutat Esportiva, iyadoo uu indhaha ku hayey Tababare Ronald Koeman.

Iyadoo ciyaartoydii ka qeyb qaadatay Koobkii qarammada Yurub ee EURO 2020 iyo Copa America aysan wali soo laaban waajibaadkooda, haddana Tababarka Kooxda Barca waxaa ku jiray dhowr ciyaartoy oo ka yimid Akadeemiga Kooxda.

Toddobaadyada soo socda, ciyaartooyda caalamiga ah ayaa si tartiib tartiib ah dib ugu soo laaban doona shaqada kooxda, laakiin kuwa sida Pedri, Eric Garcia iyo Oscar Mingueza ayaa qaadan doona muddo dheer oo maqnaansho ah, maadaama ay xulka Spain ku matali doonaan ciyaaraha Olimbikada Tokyo.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close