Pedri oo ku guuleystay da’yarka ugu wanaagsan tartanka EURO 2020… (Aqriso xiliga lasoo bilaabay abaal-marintan iyo shardiga lagu xukminayo da’yarka)

(London) 12 Luulyo 2021. Xiddiga khadka dhexe kaga ciyaara xulka qaranka Spain ee Pedri ayaa loo doortay da’yarkii ugu wanaagsanaa tartanka EURO 2020 oo xalay lasoo gaba-gabeeyay.

18-jirkan kubbada abuuraya ayaa xulka La Roja u ciyaaray 629 daqiiqo, waxaana uu garoonka ka maqnaa kaliya hal daqiiqo inta uu socday tartanka, baasaskiisa cajiibka ah ee dhammeystiran 92.3% ayaa ka dhigay da’yarka ugu wanaagsan tartanka qarammada Yurub sanadkan.

Abaal-marintan waxaa la bilaabay sanadkii 2016, waxaana la guddoonsiiyaa xiddiga ugu bandhigga wanaagsan xiddigaha ay da’doodu ka hooseyso 21 sano marka uu bilaabanayo sanadka tartanka la qabanayo .

Waxaa xiddigii ugu horreeyay ee abaal-marintan qaaday uu ahaa Renato Sanches oo ka tirsan xulka Portugal sanadkii 2016.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close