Gianluigi Donnarumma oo ku guuleystay xiddiga ugu wanaagsan tartanka EURO 2020… (Ka bogo Zidane, Iniesta iyo xiddigihii hore ugu guuleystay abaal-marinta laacibka tartanka EURO)

(London) 12 Luulyo 2021. Xulka qaranka dalka Taliyaaniga ayaa xalay ciyaartii ugu dambeysay tartanka Euro 2020 ka adkaaday xulka England isagoo ku guuleystay tartanka xulalka Yurub markiisii labaad taariikhda, waxaana markii uu tartanka dhammaaday la bixiyay abaal-marinnadii xiddigaha.

Guddiga Technical Observers ee xiriirka UEFA ayaa laacibka ugu wanaagsan tartanka u aqoonsaday goolhayaha xulka Italy ee Gianluigi Donnarumma kaasoo qayb libaax leh ka qaatay in xulka Azzuri uu ku guuleysto tartanka qarammada qaaradda Yurub.

22-sano jirkan ayaa ciyaaray 719 daqiiqo inta uu socday tartanka Euro 2020, waxaana uu shabaqiisa gool ka ilaashaday saddex kulan, halka laga dhaliyay afar gool uu qura, waxaana intaas u sii dheer inuu sagaal badbaadin oo muhiim ah sameeyay.

Haddaba sidee ayaa abaal-marinta xiddiga ugu wanaagsan tartanka loo kala qaatay tan iyo markii ugu horreysay ee abaal-marintan la bilaabay bixinteeda ee sanadkii 1996?

1996: Matthias Sammer (Germany)

2000: Zinédine Zidane (France)

2004: Theodoros Zagorakis (Greece)

2008: Xavi Hernández (Spain)

2012: Andrés Iniesta (Spain)

2016: Antoine Griezmann (France)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close