Maxaa ka soo kordhay heshiiska ay kooxda Chelsea ku dooneyso Erling Haaland?

(London) 11 Luulyo 2021. Borussia Dortmund ayaa jartay wadada kooxda Chelsea ay dooneysay inay kula saxiixato weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland, inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga ee xagaaga, kaddib markii ay iska diideen fikradda ah inay galaan wax wadahadal ah oo ku saabsan ciyaaryahanka.

Wargeyka “AS” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday kooxda sida xoogan u xiiseyneyso saxiixa Erling Haaland xagaagan, halka dhamaan kooxaha kale ay doorbideen inay dib u dhigaan heshiiska xagaaga soo aadan, maadaama uu qiimahiisa uu hoos uga dhicidoono marka loo fiiriyo midka haatan.

Wargeyka ayaa wuxuu warbixintiisa ku sheegay in tababare Thomas Tuchel uu ka codsaday milkiilaha Chelsea Ramon Abramovich inuu la soo wareego Haaland qiimo kasta oo ay ku kacdo, sababa la xiriira inuu si buuxda ugu qanacsan yahay qaab ciyaareedkiisa dhanka weerarka.

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in Ramon Abramovich uu ogolaaday inuu tixgaliyo codsigii Thomas Tuchel, wuxuuna ka codsaday la taliyayaashiisa inay daraasad ku sameeyaan heshiiska qaab dhaqaale isla markaana ay siiyaan lacag lagu maalgelinayo, iyadoo la ogyahay in Borussia Dortmund ay ciyaaryahanka u dejisay qiimaha 175 million euros dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Inkasta oo ay Chelsea diyaar u ahayd in ay la kulanto dalabka dhaqaale ee kooxda Borussia Dortmund isla markaana ay ka dhigto Haaland ciyaaryahanka ugu qaalisan taariikhda kooxda, haddana naadiga reer Germany ayaa diidan inay galaan wax wadahadal ah waqtigan ee ku saabsan weeraryahanka reer Norway.

Wargeyska “AS” ayaa xaqiijiyay in Borussia Dortmund ay ku guuleysatay inay ku iibiso Jadon Sancho lacag dhan 85 million euros, sidaas darteed aysan qabin baahi dhaqaale xagaagan, iyadoo ujeedka uu yahay inuu sii joogo Haaland xilli ciyaareedka soo socda, xitaa haddii qiimaha lagu iibinayo uu hoos u dhacayo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close