Italy vs England: Labada xul oo caawa kulmaya markoodii 28-aad, Yaa inta ugu badan adkaaday kulammadii hore ka hor kulankooda Final-ka ee EURO 2020?

(London) 11 Luulyo 2021. Xulalka Talyaaniga iyo Ingiriiska ayaa caawa ku ballansan final-ka tartanka koobka qarammada qaaradda Yurub ee EURO 2020, xulkii adkaada ayaana koobka gacanta ku dhigi doona.

Haddaba waxaan warbixintaan ku eegeynaa Yaa guulo badan labada xul ee Italy iyo England oo caawa is-wajahaya?

Xulalka Italy iyo England ayaa caawa kulmaya markoodii 28-aad ee taariikhdooda, waxaana ay ku hardami doonaan ku guuleysiga koobka qarammada qaaradda Yurub ee Euro 2020.

England ayaa ka soo baxay Guruubka D iyagoo leh 7 dhibcood ka hor inta aysan garaacin Germany, Ukraine iyo Denmark heerkii bugbaxa ee tartankan, taasoo ka caawisay inay soo gaaraan Final-ka Euro 2020 ee ka dhacaya garoonkooda Wembley.

Dhinaca kale xulka Italy ayaa halka ugu sarreysa kaga dhammaystay Guruubka A iyagoo leh 9 dhibcood, ka hor inta aysan soo garaacin xulalka Austria, Belgium iyo Spain, isla markaana jaran tikidhkooda Final-ka Euro 2020.

Xulka England  waxa ay faa’iido u haystaan inay ku ciyaarayaan Gurigooda, laakiin waxaan meesha laga saari karin in xulka Italy aan hal kulan la garaacin tan iyo bishii September ee sanadkii 2018, Wiilasha Roberto Mancini ayaa kalsooni ku qaba inay caawa garaaci doonaan xulka lagu naynaaso Saddexda Libaax.

Waxaan haddaba halkaan hoose ku eegeynaa kulammada labadaan xul ay fool ka fool isku wajaheen, guulaha ay kala haystaan iyo barbaraha ay galeen 27-kii kulan oo ay horay u wada ciyaareen ka hor kulankooda caawa ee Final-ka Euro 2020:-

Xulka Italy ayaa guulo badan waxaana ay haystaan 11 guul oo ay ka gaareen Saddexda Libaax, halka xulka England uu adkaaday 8 kulan, waxaana ay barbaro galeen 8 kulan oo kale is-aragga labadaan xul Taariikhdooda.

27-kii kulan oo ay hore u wada ciyaareen labadaan xul ee Italy iyo England & Natiijada ay ku dhammaadeen halkaan hoose ka eeg:-

May 13, 1933 – Italy 1-1 England

November 14, 1934 – England 3-2 Italy

May 13, 1939 – Italy 2-2 England

May 16, 1948 – Italy 0-4 England

November 30, 1949 – England 2-0 Italy

May 18, 1952 – Italy 1-1 England

May 6, 1959 – England 2-2 Italy

May 24, 1961 – Italy 2-3 England

June 14, 1973 – Italy 2-0 England

November 14, 1973 – England 0-1 Italy

May 28, 1976 – England 3-2 Italy

November 17, 1976 – Italy 2-0 England

November 16, 1977 – England 2-0 Italy

June 15, 1980 – Italy 1-0 England

June 6, 1985 – Italy 2-1 England

November 15, 1989 – England 0-0 Italy

July 7, 1990 – Italy 2-1 England

February 12, 1997 – England 0-1 Italy

June 4, 1997 – Italy 0-2 England

October 11, 1997 – Italy 0-0 England

November 15, 2000 – Italy 1-0 England

March 27, 2002 – England 1-2 Italy

June 24, 2012 – England 0-0 Italy

August 15, 2012 – England 2-1 Italy

June 14, 2014 – England 1-2 Italy

March 31, 2015 – Italy 1-1 England

March 27, 2018 – England 1-1 Italy

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close