Andrea Pirlo oo ka hadlay kulan la wada sugayo ee final-ka Euro 2020… (Muxuu ka yiri Harry Kane?)

(London) 10 Luulyo 2021. Halyeeyga xulka qaranka talyaaniga ee Andrea Pirlo ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay sida uu u adag yahay kulanka dhax mari doono xulalka Azzurri iyo England ee final-ka Euro 2020.

kulanka ugu dambeysa ee tartankan ayaa la qaban doonaa habeen dambe ee Axada, kaasoo ka dhici doono garoonka Wembley, iyadoo xulka Italy uu ka soo gudbay Spain kulankii semi-finalka ahaa, halka Ingiriiska uu guul ka soo gaaray Denmark.

Wargeyska “Daily Mail” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Halyeeyga xulka qaranka talyaaniga ee Andrea Pirlo, waxaana uu yiri:

“Marka laga hadlayo Harry Kane oo garoonka ku wajahaya Giorgio Chiellini, wuxuu noqon doonaa dagaal weyn.”

“Kane waa mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican uguna xoogan adduunka jir ahaan, laakiin hadii uu jiro daafac awood u leh inuu joojiyo, waa Chiellini.“

“Difaaca labada xul waa mid weyn, Mason Mount iyo Marco Verratti, waxay leeyihiin dareen hal abuur leh oo ay ku heli karaan daqiiqado guul siin kara, kulankan waxaa loo helay ciyaartoy maskaxdan leh.”

Andrea Pirlo ayaa wuxuu sidoo kale ka hadlay iska hor imaadka u dhexeyn doono difaaca xulka England ee John Stones iyo weeraryahanka reer Talyaani ee Ciro Immobile, wuxuuna yiri:

“Stones waa mid ka mid ah daafacyada ugu fiican yurub, laakiin kulanka Final-ka ah ayaa tijaabo weyn u noqon doona isaga oo ka hor tagi doona mid ka mid ah weeraryahanada ugu khibrada badan uguna go’aaminta badan.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close