“Waan ixtiraamayaa Messi… laakiin Argentina kuma tiirsana kaligiis!” – Casemiro

(Brazil) 09 Luulyo 2021. Xiddiga xulka qaranka Brazil ee Casemiro ayaa muujiyay ixtiraam weyn ee uu u hayo kabtanka xulka qaranka Argentina, Lionel Messi, kahor kulanka ay labada xul ku wada ciyaari doonaan final-ka Copa America.

Brazil ayaa iska xaadirisay final-ka Copa America kaddib markii ay garaacday Peru, halka Argentina ay ka soo gudubtay Colombia kulankii semi-finalka ahaa, kulankan ayaa lagu qaban doonaa waaberiga Axada soo socota garoonka caanka ah Maracana stadium ee ku yaal magaalada Rio de Janeiro ee dalka Brazil.

Hadaba wargeyska “Marca” ayaa daabacay hadalada Casemiro kaddib wareysi uu bixiyay, waxaana uu yiri:

“Argentina waxay leedahay koox ciyaartoy oo heer sare ah, iyagu ma ahan koox ku tiirsan hal ciyaaryahan oo kaliya.”

“Waan ognahay tayada uu leeyahay Messi, waa ciyaaryahan fiican, laakiin waa inaan ixtiraamnaa dhamaan ciyaartoyda reer Argentina.”

“Xulka Argentine kaliya ma ahan Lionel Messi iyo Lautaro Martinez, ma ahan inaan diirada saarno ha lama laba ka mid ah, waa ciyaartooy tayo sare leh, laakiin Argentina waxay ku gaartay finalka koox ahaan.’

“Waa inaan ixtiraamnaa qof walba, aad ayaan ujecelahay isaga, laakiin Argentina kaliya ma ahan Messi, sidoo kale awooda daafaca ee xulka qaranka Brazil kaliya ma ahan Casemiro.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close